Booliska Kenya oo Baaritaan Guud lagu sameeynayo

DAVID-KIMAIYO-PRESSERDawladda Kenya ayaa bilowday mashruuc raad-raac iyo baarintaan lagu sameeynayo dhamaan ciidamada booliiska dalkaas.

Madaxa Guddiga adeegga booliiska Kenya Johnson Kavulundi, ayaa shaaca ka qaaday in qorshahan uu diiradda saari doono dhiiranaanta saraakiisha iyo aqoontooda si hawlahooda ay si cadaaladi ku jirto ugu gutaan.

Ku dhawaad 80, 000 oo kamid ah Ciidamada Dalka Kenya, ayaa waxaa lagu samayn doonaa Baaritaan guud, waxaana Baaritaanadaas ay noqon doonaan, kuwo la baarayo Hantidooda iyo Aqoontooda iyo waliba kartida shaqada ay ku qaadanayaan.

Sidoo kale waxaa Baaritaano lagu sameyn doonaa Dhaqaalahooda iyo Dhaqaalaha Eheladooda.

Baaritaan kaloo lagu xusay Dastuurka Dalka Kenya, ayaa waxaa uu imaanayaa kadib mugid farabadan oo Ciidamada Booliska KENYA iyo shacabka soo kala dhex galay.

Wasiirka Amaanka Kenya, ayaa Xariga ka jaray mashruucaas baaritaanka ku saabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here