Booliska Denmark oo xiray rag walaala ah oo lala xiriireyey argagixiso

Ciidanka nabadsugida dalka Denmark ayaa xabsiga dhigay laba wiil oo walaala ah oo Soomaali Denish ah kuwaasi oo lala xiriiriyey in ay weeraro argagixiso ka fulin rabeen dalkaasi ku yaala waqooyiga Europe.

Wiilashaan oo heysto dhalashada Denmark hase yeeshee asal ahaan kasoo jeedo Soomaali ayaa da,doodu ay kala tahay 18 jir iyo 23 jir, mid ka mid ah waxa laga qabtay eraboorka magaalada Copenhagen kadib marki la sheegay inuu tababar kusoo qaatay Soomaaliya.

Ragaan ayaa si gaar ah loogu daba jiray waxaana lagu helay in ay ka sheekeysanayeen hub kala duwan, bartilmaameedyo iyo habab ay rabeen in ay wax u weeraraan sida ay xaqiijiyeen ciidanka sirdoonka Denmark.

Dowladu meysan sheegin nooca saxda ah ee weerar ee ay fulin rabeen,  laakin waxay sheegtay in ragani ay ku hubsadeen in ay talaabo argagiso qaadi rabeen sida lagu yiri war kasoo baxay muqaabaraadka.

Mid ka mid ah waxaa laga soo qabtay magaalada ku taala xaga galbeed ee Aarhus halka ka kalana lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.