Booliska Brazil oo gacanta ku dhigay Bisad gacan siineysay Maxaabiis (Warbixin & Sawirro)

Sida uu qoray maanta oo Axad ah wargeyska O Globo ee ka soo baxa waddanka Brazil, waxa dalkaas ka dhacday sheeko cajiib ah, taasoo ah markii ciidamada booliska ay qabteen Bisad ama Mukuleel,gacan siineysay maxaabiis ku jirta xabsi.

Booliska ayaa arkay bisadda oo ay ku xiran yihiin qalab ay ka mid yihiin Miishaar, iyo qalabka darbiga lagu jabiyo iyo taleefonka gacanta ee Mobile, si xabsiga ay u jabiyaan maxaabiista.

Bisada ayaa la sheegay in ay caawineysay dambiilayaasha oo rabay in ay baxsadaan sida ay lee yihiin ilaalada xabsiga.

Xabsiga ay dhacdadan ka dhacday ayaa ku yaalla waqooyiga bari ee Brazil, waxana loo maleenayaa in bisada uu soo tababaray nin ay saaxibo yihiin maxaabista xiran.

Bisada ayaa lagu soo xiray jirjeeda qalabka kuwaasoo loo waday maxaabiista, laakin mar dambe inta aysan gudaha ugalin xabisga ayaa waxa gacanta ku dhigay ilaalada xabisga, kuwaasoo ku xiray meel gaar ah.

Madaxa xabisga Marcelo Avelino ayaa O Globo u sheegay in bisadda ay u muuqatay mid aad u foyijigan waayo waxa ay hareeraha ka fiirineysay ilaalada xabisiga in kastoo ay sameesay wax u muuqday qalad” ayuu yiri.

Bisada waxa kaloo ay waday Jaajer iyo xargaha Taleefonka gacannta iyo qalab kale oo muhiim ah, ayuu ku sii daray Avelino.

Waa qalabkii lagu qabtay oo uu ku jiro taleefonka gacanta ee Mobaile
Waa qalabkii lagu qabtay oo uu ku jiro taleefonka gacanta ee Mobaile

“Aad ayaan u la cajibnay warkan  oo ah in bisad loo tababaray si gacan u siiso maxaabiis xabski ku jira” ayuu markale yiri

Xabisga ay ka dhacday sheekadan ayaa waxa ku jiray 263-dambiilayaal ah kuwaasoo dhowr jeer isku dayay in baxsadaan

Waa ay adkaan doontaa in la soo helo qofka masuulka ka ahaan arrintan maadama aysan hadleynin bisadda” ayuu yiri madaxa booliska.

Sheekadan ayaa ka noqotay maanta wararka ugu waaweyn ee laga hadalhayo waddanka Brazil oo dhan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here