Bonucci: Horyaalka Serie iminka Juventus ayaa gacanta ugu jiraa

Daafaca kooxda Juventus Leonardo Bonucci ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan horyaalka Seria A-da kadib marki ay hogaanka kala wareegeen xalay kooxda AC Milan oo 2-1 ku garaacday kooxda Fiorentina.

Juventus ayaa guuldarada qabsatay Milan ka faa,ideysatay iyada oo 2-0 ku dar dartay kooxda Palermo sidaasina iminka uga sara martay hal dhibic oo kaliyah si ay ugu hanqal taagto horyaalka Talyaaniga.

Juve waxa ay ku badisay laba gool oo ay kaambiyadi labaad u kala dhalieyeen Bonucci iyo Fabio Quagliarella, waxaana guushaasi ay u dhaqaajisay in ay yeelato 65 dhibcood xilli horyaalka ay ka harsanyihiin todobo ciyaarood.

Isaga oo la hadlayey wariyaasha ayuu Bonucci hoosta ka xariiqay ahmiyadi guushi xalay, isaga oo rajo ka qaba in Juve ay qaado horyaalka sagaal sano kadib.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.