Boko Haram oo ku gacan seertay wada-hadal ay la gasho dowladda Nigeria

Kooxda Boko Xaraam ayaa ku gacan seertay fikrad ah in ay wadahadal la galaan dowlada Niegria, kaddib markii madaxweyne Goodluck Jonathan uu toddobaadkii hore ku dhawaaqay hindiso noocaas oo kale,

Madaxweynaha Nigeria ayaa ku baaqay in hubka ay iska dhigaan kooxda Boko Xaraam oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida.

Fariin Maqal ah oo uu soo dhigay barta internetka hoggaamiyaha kooxda Abuubakar Shekau.

Boko Xaraam ayaa sheegtay weerraro dhowr ah, oo ka dhacay waqooyiga iyo qaybo ka mid ah bartamaha Nigeria, waxaana ku dhintay ugu yaraan 2,000 qof.

Kooxdan ayaa xubno ka mid ah waxa ay sheegeen in ay dagaalamayaan siddii ay u abuuri lahaayeen dowlad Nigeria oo ka dhalata waqooyiga oo ay ku badan yihiin Muslimiinta.

Mr Shekau ayaa yiri, kooxda ma sameen karto wax qaldan, waxaa looga baahnaa cafis in ay soo waydiisato dowladda Nigeria, wuxuuna sheegay in kooxda ay sii wadii doonto kor u qaadka Islaamka.

“Waa wax lala yaabo, in dowladda Nigeria ay ka hadasho wax ku saabsan in ay noofidsay cafis, waa wax qaldan, iyada ayaa looga baahnaa in ay na soo waydiisato cafis,” wakaalada wararka AFP ayaa sidaas ka soo xigatay hadal ku duuban cajilad oo uu ku hadlaayay hoggaamiyaha kooxda Boko Xaraam luuqada Howshaha la yiraahdo.

Wariye BBC-da u jooga Nigeria Will Ross, wuxuu lee yahay hoggaamiyaasha diinta waqooyiga iyo kuwa siyaasiyiinta ayaa madaxweyne Jonathan ku booriyay in uu ku dhaqaaqo tallaabo cafis loogu fidinaayo kooxda dagaalamayaasha dalkaas, si loo afjaro dagaalka ay ku jiraan.

Go’aanka ah in madaxweyne Jonathan uu ku dhawaaqay cafis iyo wadahadal lala galo kooxda Boko Xaraam waxa ay ahayd arrin aad loola yaabay dalka oo dhan, sidaas waxaa iyaha soo warisay wakaalada wararka Reuters.

Sannadkii 2009, ayaa madaxweynihii geeriyooday Musa Yar Adua wuxuu ku dhawaaqay qorshe ahh in tobanaan kun oo ah kooxdan in ay cafis loo fidiyay si loo soo afjaro khalalaaso hareeyay gobalka saliida uu ka buuxo ee Niger Delta oo ku yaalla Koonfurta..

Kooxdan Boko Xaraam, ayaa la aasaasay sannadkii 2002-dii, waxaa Afka carabiga loo yaqaan, Jamaacatul Ahlu Sunna Lidacwa-Waljihaad, oo la macno ah ” Dadkan in ay ka go’aanaado baritaanka Nabiga suuban NNKA yeele iyo Jihaadka”

Kooxdan waxa ay ka soo horjeedaa wax-barashada reer galbeedka.

Kooxda dagaalamayaasha waxa la aasaasay sannadkii 2009-kii, waxaana ay billaabeen hirgalinta dowlad Islaami ah oo laga dhiso Nigeria oo dhan.

Waxaa aasaasay Maxamed Yuusuf oo isla sannadkaas ku dhintay xabsi boolis.
Wixii markaas ka dambeeyay waxaa kooxda hoggaan u noqday Abuukar Shekow, oo isna aaminsan fikradii hoggaamiyihii horre.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here