Boga Google oo dib u habeyn loogaga sameeyey qeybtiisa wax raadinta

Website-ka caanka ah ee Google ayaa dib u habeyn ku sameeyey qeybtiisa hore ee wax lagu raadiyo kaasi oo laga badalay habki uu ahaa awal ee muuqaalkiisa.

Cusbooneysiinta lagu sameeyey Google ayaa ah in madow laga dhigay dhanka bidix ee boga iyo ‘black bar’ taasi oo hada qaabka uu hada yahay kaga taalo dhanka sare oo ah xariiq jiifto, halka qeybta cusub ay noqon doonto xariiq toosan.

Hada marka aad gujiso boga waxaad heleysaa todobo dooq oo kuu sheegaya qeybaha uu u kala baxo, hase yeeshee habkaan cusub waxa aad ka heli doontaa sideed dooq oo aad kala dooran doonto.

Qubarada waxay leeyihiin naqshadaan waxaa ka faa,ideysan doono shirkado badan oo ganacsi iyaga oo aanan isku mashquulin bogaga kale.

Habkaan cusub ee Google oo lagu dhawaaqay sanadki tagay ayaa hada loo bandhigay qaar yar oo ka mid ah dadka adeegsada bogan, hase yeeshee sanadkaan ayaa loo wada fasaxi doonaa booqdayaasha bogaan caalamiga ah.

Afhayeen u hadlay shirkada Google ayaa sheegay in tani ay uga gol leeyihiin kordhinta qibrada dadka ku taxan boga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.