Boateng: ‘Milan darteed ayaan isaga casilay xulka qaranka’

Laacibka qadka dhexe ee kooxda AC Milan Kevin-Prince Boateng ayaa shaaca ka qaaday inuu ciyaaraha heer caalami uga fariistay sidi uu uga dhax muuqan lahaa kooxdiisa.

Laacibkan oo ka mid ah xulki Ghana ee ka qeybgalay koobki aduunka ee sanadki 2010 lagu qabtay South Africa ayaa ka fariistay ciyaaraha heerka caalami sababo isag u gaar ah.

Waxa uu ku dhawaaqay inuu ka fariistay xulka qaranka isaga oo 23 jir ah, hada waa 24 jir walina wuu ku adkeysanaa go,aankiisa taasi oo ka yaabisay dad fara badan.

“Waa go,aan aanan sahlaneyn, qoyskeyga way rumeysan waayeen go,aanka aan gaaray, laakin waxaan jeclaan lahaa in la ix tiraamo arintaasi,” sidaa waxa uu u sheegay TV-ga Milan ee Milan Channel.

Sababta ku kaliftay ee gaarka ah ayuu cadeeyey isaga oo ku tilmaamay dhaawacyo kusoo laa laabtay.

“Nolosheeyda waxaa ragaadiyey dhaawacyo, jilibkeyga waxa la qalay lix jeer oo kala duwan sababo la xiriira dhaawacyo, hada Milan darteed ayaan isu casilay si aan u caawiyo anigana aan guulo u gaaro, guul la gaaray hadana waxaan shaqo fiican ka hayaa Seria A-da iyo Champions League,” ayuu yiri.

Boateng ayaa ugu danbeynti ugu baaqay weeraryahanka kooxda Manchester City Tevez inuu kusoo biiro Milan isaga oo aad u amaanay hab ciyaareedkiisa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com