Biyo La’aan laga soo sheegayo Bay

Xaalad oomanaan ah ayaa soo wajahday xoolo dhaqatada ku nool gobolka Bay, kadib markii ay halaabeen sida lasheegay Ceelashii ay dadka biyaha ka cabi jireen, sidoo kalena ay gureen warihii biyaha ay ka heli jireen.

Xaaladaha biyo yari ayaa soo foodsaartay dadka ku nool tuulooyin katirsan galbeedka gobolka Bay, biyo la’anta ayaa waxaa sabab u ah sida dadka tuulooyinka ku nool ay sheegeen, ineey ciladoobeen Ceel biyoodyo ku yaal Tuulooyinka qaarkood, iyo ineey qalaleen wara biyoodyo dadkaas ay ku tiirsanaayeen.

Isaaq Xasan oo kamid ah dadka xoolo dhaqatada, kuna nool tuulo ka tirsan degmada Bardaale, ayaa mar uu wareysi siinayay VOA-da u sheegay in biyo la’aanta ay saameyn adag ku yeelatay qoysas badan oo reer guuraa ah.

Isaax Xasan, ayaa intaas ku daray ineey sii adkaaneyso nolosha dadka ay biyo yarida soo wajahday kuwaasoo bilaabay ineey biyo u doontaan masaafo kabadan 15km.

Xoolaleeyda gobolka Bay ayaa bilaabay ineey kabarakacaan deegaanada ay biyo la’anta soo wajahday, waxayna aadayaan deegaano ay Naq iyo biyo ka heli karaan, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada Bardaale.

Gudoomiyaha degmada Bardaale, maamulka doowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Isxaq Ari Cas, ayaa cadeeyay in dadkii ku noolaa tuulooyinka biyo la’aanta kajirta, ay u barakaceen deegaanada ay biyaha ku danbeeyaan.

“Meel kasto oo biyo ku danbeeyaan ayaa dadku u barakacayaan” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Bardaale.

Maamulka degmada Bardaale, ayaa dhanka kale hay’adaha samafalka ka dalbaday in wax laga qabto biyo la’aanta kajirta tuulooyinka gobolka Bay.

“Hay’adaha samafalka waxaan ka dalbaneeynaa ineey deg deg u yimaadaan tuulooyinka ay hada maamusho doowlada federaalka, islamarkaasna gurmad lasoo gaaraan dadka kunool tuuloyinka biyola’aanta kajirto sida Bardaale iyo Qansaxdheere” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Bardaale.

Biyaha Jiilaalka, ama kuleylka daran uu jiro sida bishan oo kale, ayaa tuulooyin badan oo kamid ah gobolka Bay, waxaa soow ajaha biyo la’aan iyo oon, waxayna saameyn adag ku yeelataa dadka reer guuraaga ah.

Dadka ku nool gobolka Bay, waa dad 75% xoolo dhaqato ah, iyo beeraleey, kuwaasoo aan u adkeysan Karin biyo la’aanta mararka qaar gobolka ka dhacda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here