Bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya iyo waxa uu salka ku hayo Warbixin & Falanqeyn

Waxaa maalmihii u danbeeyay isa soo tarayay wararka sheegaya in Ethiopia ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

17-kii bihsaan oo haatan laga joogo sitimaan ayay Ciidamada Ethiopia isaga baxeen magaalada Xudur, waxayna taas dhalisay in kumanaan qof ay isaga qaxaan Xudur iyo meelo kale.

Hadaba su’aalaha is weydiinta mudan ayaa waxay yihiin:

Maxaa lagu micneyn karaa daganaasho la’aanta Siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan gobolada Bay iyo Bakool?.

Maxayse doowlada Soomaliyeed uga aamusantahay ineeys si cad uga hadasho amniga shacabka goboladaasi ku nool iyo doorka Ethiopia ee Soomaaliya?.

Sidoo kale dadka siyaasada odorosa ayaa is weydiinaya inta uu gaarsiisanyahay Khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Ethiopia, dadka qaarkood ayaa ku doodaya in Ethioia ay dhibsatay isbadalkii dhawaan lagu sameeyay maamulka gobolka Bay, iyo mid ladamacsanaa in laga sameeyo gobolka Bakool, qaar kale waxay sheegayaan in Ethiopia ay ka xumaatay Tallaabooyinka dib udhiska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ee ay doowlada Soomaaliya damacsantahay, halka kuwo kalena ay ku doodayaan in Ethiopia ay dooneeysay in beesha Caalamka ay dhaqaalo uga hesho Ciidankeeda ku sugan Soomaaliya, taasoo markii ay ku guul dareysatayna ay go’aansatay ineey la baxdo ciidankeeda.

Doowlada Soomaaliya aya ilaa iyo hadda ku guul dareysatay ineey kahadasho ka bixitaanka ciidanka Ethiopia ee magaalada Xudur, iyo waliba ineey qeexdo doorka ay ciyaari doonaan Ciidamada Ethiopia ee wali kusii harsan gudaha Soomaaliya.

Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur, “Shiikh Aadan Madoowe”, oo wareysii siinayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay inuu saluugsanyahay hadal la’aanta doowlada.

“…Arintaas runtii waan weydiinay doowlada, noomana sheegin waxa jira…” ayuu yiri Shiikh Aadan Madoowe.

Ethiopia, oo Soomaaliya dib usoo gashay bishii December sanadkii 2011, kadib markii urur goboleedka IGAD ay ka codsadeen ineey gacan siiyaan Ciidamada AMISOM, laakiin Ethiopia xiligaas kama aysan maqneen gudaha Soomaaliya, waxayna islamarkiiba ku dhaqaaqday soo galitaanka Soomaaliya, xiligaan lajoogana hadii uusan jirin Khilaaf diblomaasiyadeed, waxaa ugu yaraan tallaabada Ethiopia lagu tilmaami karaa mid ay ku dhabar jabineyso guulaha dhinaca amniga ee ay dhawaan gaareen Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM, sida uu ku doodayo mid kamid ah Khuburada dhinaca amniga ee Soomaaliya Korneyl (Nuur Adan nuur).

Tallaabada ay Ethiopia qaaday ayaa goboladaasi kadhalisay Aragagax.

Korneyl Nuur Adan Nuur (Pilot) waxa uu sheegay ineey Ethiopia la quneyd ineeysan abuurin Argagax, laakiinse hadii ay baxayaan meelaha ay ku suganyihiin lasugaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa doowladaSoomaaliya .

Sidoo kale wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Dr Cabdi Nuur Shiikh Maxamed, ayaa dhankiisa mar uu wareysii siinayay idaacada VOA u sheegay, in inkastoo lala yaabanyahay bixitaanka Ciidanka Ethiopia, hadana ay jiri karto Culeys dhinaca dhaqaalaha ah oo Ethiopia kasoo fuulay joogitaankooda Soomaaliya.

“Siyaabo badan ayaa loo arkaa dadka arimaha Soomaaliya iyo Ethiopia u kuurgala, waxay leeyihiin doowlada Ethiopia wey ku adkaatay dhaqaalo ahaan in Ciidamo intaa la’eg iyo hubkooda iyo dhaqaalahooda ineey ilaaliso, waxaa kaloo laga yaabaa in ay rabto ineey Caalamka iyo AMISOM u muujiso inaan cududeeda laga maarmin” ayuu yiri wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya.

Waxaa iyagana jira dad kaloo Soomaaliya oo iyaguna aaminsan, in marka la tixgaliyo qaabka qaska ah ee Ethiopia uga baxday magaalada Xudur inaan meesha laga saari Karin ineey diidanyihiin sida ay doowlaDA Soomaaliya u maamuleeyso arimaheda gaarka ah.

Korneyl Nuur Aadan Nuur, waxa uu sheegay ineey nasiib darro noqoneyso hadii ay dhabowdo ineey Ethiopia ka xumaatay dhismaha Curdinka ah ee Ciidanka Soomaaliya.

“Madaxweyne Xasan Shiikh, markii la doortay socodkiisi ugu horeeyay meelaha uu ku tagay waxaa kamid ahaa Ethiopia, waxaana jirtay in heshiis iyo afgarad uu soo dhexmaray labada dhinac, laakiin Amniga waa waxa ugu daran doowlada Soomaaliya, waxaana xaq uleenahay inaan dhisano Ciidan amaanka noo suga” ayuu yiri Korneyl Nuur Aadan nuur.

Howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya, ayaanan ka hadlin ka bixitaanka Ciidanka Ethiopia ee Xudur, waxaana taliyaha Ciidanka AMSIOM General Andrew Gutti, warsaxafadeed uu soo saaray ku sheegay ineey dib u eegayaan qaabkii Ciidamadooda loo gayn lahaa gobolada Bay, Bakool, iyo Hiiraan, waxaana uu sheegay inuu ku kalsoonyahay ineey ku filanyihiin ineey kaafiyaan amniga meelaha ay kabaxayaan Ciidanka Ethiopia.

R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa isagu canbaareeyay dil ay Al-shababku ka geysteen magaalada Xudur, waxaana uu ku goodiyay in doowlada ay dib u qabsan doonto magaalada Xudur, balse qubarada milatariga waxay ku doodayaan in door intaasi kaballaaran ay ahayd ineey Ciyaarto doowlada Soomaaliya.

Hadaba waxaa laga dhursugayaa in maalmaha soo aadan ay doowlada Soomaaliya kahadasho Xaalada gobolada Bay, Bakool iyo Gedo, oo shacabka hada ku nool ay cabsi farabadan soo foodsaartay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here