Somalia:Bilicda iyo Isbadalka ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Warbixin iyo Sawirro

Magalaada Muqdisho oo 22-kii sanno ee la soo dhaafay ahayd magaalo ay
halakeeyeen daagaalo wajiyo badan yeeshay, waxa ay ka mid noqotay
magaalooyinka ugu khatarta badan adduunka, haddiiba ay ahayn mida
koobaad.

Sidaas oo ay tahay haddana magaalada waxaa ku noolaa oo ay hooy u
ahayd dad aad u badan kuwaasoo magaalada joogay oo aan meelna uga
bixin.

Dadkan oo qaar kood ay ku waasheen ama ay ku xanuunsadeen burburka
lagu hayay magaalada madaxda Soomaaliya, waxa ay u soo joogeen
magaalada oo dhis-dhismo loo burburinaayo, dhismooyinkii danta guud oo
dad si gaar ah yeeshay.

Magaalada wixii ka dambeeyay 1991-dii xilligaas oo dagaalka Soomaaliya
uu billowday waxaa ka socday burbur iyo barakac, waxaa u dheeraa
madaafiic lagu garaacayay dhismooyinka ugu caansan magaalada.



Magaalada waxaa loo aqoonsaday magaalooyinka ugu khatarta badan
adduunka, wax kale kuma noqon waxaa lagu dilay dad badan, waxaa lagu
afduubtay Soomaali iyo ajaaniib.


Magaalada Muqdisho waxaa ku yaallay dhismooyin badan oo caan ah, qaar
kood waxa ay ka qurux badan yihiin kuwa badan oo ku yaalla magaalada
Muqdisho.


Haddaba magaalada oo 22-kii sanno ee la soo dhaafay daris la ahayd
burburka iyo bahalaha hadda waa ay ka soo kabaneysaa, waxa meel kasta
ka billowday dhismooyin qaar kood kuwii horrey ugu yaalay ayeeba ka
dheer yihiin kana qurux badan yihiin.


Waxaa maanta oo ay taarikhda tahay 27-ka February 2013-ka qaar ka mid
ah wariyaasha Shabakadda Midinimo ee magaalada Muqdisho howlo shaqo u
tageen qaar ka mid dhismooyinka magaalada Muqdisho, bal si ay u soo
arkaan dhismooyinka laga dhisaayo magaalada iyo kuwii horrey ugu
yiilay.


Dhismooyinka aan soo aragnay ee dib loo dhisay waxaa ka mid ah midkan oo ah
Dugsigii tababarka gacanta ama Buulo-Tikniko oo ku yaalla degmada
Waabari, dugsigan dad badan ayaa ka soo baxay oo bartay farsamada
gacanta, qaar badan dalka ayey joogaan.


Wuxuu ka mid ahaa dhismooyin badan oo ku burburay dagaaladii ka dhacay
magaalada, laakin waxaa hadda lagu sameeyay dib u dhis waxaana la soo
celiyay quruxdii uu lahaa.

Dugsigi Sare ee farsamada
Dugsigi Sare ee farsamada

Waxaa dhisay dowladda Turkiga oo mashruucyo iyo dib u dhis ka wada
magaalada Muqdisho.

Waxaa la filayaa in dhismaha Buulo-Tikniko laga dhigo dugsi wayn oo
lagu tababaro dadka Soomaalida.



Sidoo kale dhismooyinka aan soo sawirnay waxaa ka mid ah dhismahan oo
ah Hotel Ambasador oo ku yalla waddada ugu mashquulka badan Magaalada
Muqdisho.

Xeebta Muqdisho (agagaarka Eelaboorka)
Xeebta Muqdisho (agagaarka garoonka Adan Cadde)

Hotelkan oo ka kooban illa shan dabaq wuxuu ka mid ahaa hotelada la
dhisay wixii ka dambeeyay burburkii dalka, wuxuu ka mid yahay kuwa ugu
caansan magaalada.

Intii aan fuulay dhismooyinka dhaadheer ee magaalada ku yaalla waxaan
kor ka aragnay magaalada oo dhan, waxaana noo muuqday qurux iyo bilic
ballaaran oo indhaha ay soo jeeditay.


Waxaa ka mid ah meelaha aan aragnay qaybta oo ah geedo dhaadheer oo
magaalada ka baxay kuwaasoo ka dhigay magaalada mid qurux badan.


Waxaa magaalada ku wareegsan badda xeebta Indian Ocean oo in dhaha
qofka soo jeedineysa, taasoo keentay in ajaaniib badan ay u soo
daawasho tagaan xeebta.


Isku soo duub magaalada waxaa hadda ka muuqda dib u dhis iyo
horrumarin ballaaran, Soomaali badan oo ku nool dalka dibeddiisa ayaa
dib u soo laabtay, iyagoo billaabay in magaalada ay galiyaan
mashaariic xooggan.


Dowladda badan ayaa hadda doonaya in ay safaarado ka furtaan magaalada
Muqdisho wali ma haystaan guryihii ay gali lahaayeen.


Qaar badan oo ah ganacsatada Soomaalida ee magaalada yimaaday ayaa ku
haminaya in magaalada ay ka dhisaan hotelada Shanta xidigood ku
xardhan ee tahay ee loo yaqaan Five Star Hotels.

Suuqa bakaaraha gaar ahaan wadada koowaad
Suuqa bakaaraha gaar ahaan wadada koowaad

Dhawaan duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud
Axmed Nuur Tarsan wuxuu ku yaboohay dhul dan guud ah inuu ku wareejiyo
cid

Wadada Maka Al-mukarama
Wadada Maka Al-mukarama

kastoo mashruuc wadda sida Isbitaal, Jaamacad Caalami ah, Xarun
ganacsi oo wayn iwm.

Turkigu wuxuu keensaday xaasaskii iyo caruurihii oo magaalada Muqdisho
ayuu uga dhistay dugsiyo hoose dhexe oo macalimiintuna turki tahay
afku turki yahay, waxaana maallin walba wixii dalkooda ay uga baahdaan
u keenta diyaaradooda Turkish Airline oo ah diyaarada kaliye ee u
duusha caalamka oo dhan.

W/Q Bahda Shabakadda Midnimo

Muqdisho Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here