Bilaal Abidal oo ugu danbeyn garoomada kusoo laabtay

Ciyaaryahanka garabka bidix uga ciyaara Naadiga Barcelona ee Erik Bilaal Abidal, ayaa ugu danbeyn kusoo laabtay line Up-ka, kadib dhaawac uu mudo fog kaga maqnaa naadiga, waxaana lagu soo daray Ciyaartoyda Barcelona ee cawada wajihi doona Naadiga Celta Vigo, kulan katirsan horyaalka Spain.

Abidal, ayaa mudo sanad ah maqnaay, kadib markii badal lagu sameeyay Beerkiisa, waxa uuna dhawaan kusoo laabtay tababarka naadiga, waxaana uu ciyaar tijaabo ah la ciyaaray junyarka Barcelona.

Javier Mascherano, oo kahadlaya sida uu ugu faraxsanyahay soo laabashada Saaxiibkiis Abidal, ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter-ka kusoo qoray sidaan “Hanbalyo Khabiirkeena, waad mudantahay inaad markale kusoo laabato garoomada”…

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here