Berlusconi: Seedorf shaqadiisa waa hubanti

 

Berlusconi: Seedorf shaqadiisa waa hubanti
Berlusconi: Seedorf shaqadiisa waa hubanti

Madaxweynaha kooxda AC Milan, Silvio Berlusconi ayaa kalsooni siiyay Clarence Seedorf a, xilli kooxda ay la hadameyso dhibaato dhinaca guul darada ah, waxaana macalinka reer Dutchman loo ballan qaaday in uu sii joogi doono San Siro.

Rossoneri ayaa soo gaartay lix guul daro oo isku xigga, waxaana ugu dambeesay kulankii looga adkaaday 4 iyo ee horyaalka Serie A-da ku garaacday Parma Axaddii.

Seedorf, eayaa shaqada qabtayn January, balse Berlusconi waxaa uu lee yahay weli waan ku qanacsanahay shaqada Seedorf.

“Seedorf wax wal ah kama qabo;shaqadiisa tababbarnimo wuu sii joogi doonaa haddii xitaa la gaaro sannadka xigga,” Berlusconi ayaa siddaas sheegay warooraal ah oo lagu qoray wakaalada wararka Talyaaniga ee ANSA.

Ra’iisal wasaarihii horre Italia ayaa qiray in in kooxda ay xilli cayaareedkan ku dhacday dhibaato xooggan balse wuxuu muujiyay in ay ka soo kaban doonaan.

Guuldaradii Axadddii ka soo gaartay Parma waxaa ay muujineysaa Rossoneri in ka dhacday horyaalka Serie A waayo, 20 dhibcood ayey ka hooseesaa Napoli oo kaalinta seddaxaad ku jirtaa taasoo ugu dambeyn ka qaybgali doonta hoyaalka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here