Berlusconi oo diiday inay ka tagaan Pato iyo Robinho kooxda AC Milan

Milkiilaha kooxda AC Milan, ra’iisal wasaarihii hore Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa sheegay in midna la iibin doonin weerrar yahannada kala ah  Alexandre Pato ama Robinho bisha January.

Berlusconi ayaa sheegay in uu jeclaan mid ka mid ah labada cayaartooy in ay sii joogaan kooxda.

“ Waxa aan sameen doonaa deddaal kasta oo ugu yaraan labada cayaartooy Pato iyo  Robinho uu mid kood la sii joogi doono hal xilli cayaareed ,” ayuu yiri Berlusconi mar uu saaka saxaafadda kula hadlaayay afaafka hore ee hotelka kooxda ee Rome.

“Waxa hadda socda deddaalo ku aadan siddii labada cayaartooy uu mid kood ku sii joogi doono kooxda .”

Hadalka Berlusconi ayaa yimid iyadoo warar si xoog leg magaalada u soo galeen kuwaasoo ah in labada cayaartooy ee reer Brazil ay ka tagi doonnaan kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga cayaartoyda Yurub bisha soo socota ee sannadka 2013-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here