Berlusconi oo beeniyay in uu Milan iibinaayo

Berlusconi oo beeniyay in uu Milan iibinaayo
Berlusconi oo beeniyay in uu Milan iibinaayo

Mulkiilaha kooxda AC Milan, Silvio Berlusconi ayaa gaashanka u daruuray wararka shegaya in uu kooxda iibinaayo, kaddib markii guul darooyin uu isku raacay xilli cayaareedkan,

Ra’iisal wasaarihii horre Talyaaniga ayaa ahaa mulkiilaha kooxda Rossoneri tan iyo sannadkii 1980s, waxaana tan iyo waagaas ay ku guuleestay koobab fara badan sidda labadoodaba horiyaalka Talyaaniga ee Serie A-da iyo Yurub.

Toddobaadkan billowgiisa ayaa waxaa suuqa soo gashay in la iibinaayo kooxda, kaddib markii ay soo wajahday xaalad aad u cakiran.

Isagoo kula hadlaayay Rome koox wariyaal ah, ayuu Berlusconi wuxuu yiri : “Ma doonayo in aan iibiyo AC Milan, waxaan hubaa in aan arrintaas ku qancin karno taageerayaasha Milan.”ayuu yiri.

Milan ayaa ku jirta heerka hoose ee horiyaalka, waxaana ka mid tahay kooxaha tacbaalka ee ka qaybgalay horiyaalka sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here