Bent oo seegaya inta ka dhiman xilli ciyaareedkan

Weeraryahanka xulka England iyo kooxda Aston Villa Darren Bent ayaa garoomada ka maqnaan doono mudo sadex bilood ah taasi oo micnaheedu noqonayo inuusan ciyaari doonin inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib marki uu canqawga ka jabay.

Dhaawacaan ayaa dharbaaxo kulul ku ah rajadi uu xidgaan 28 jirka ah ka qabay inuu safto ciyaaraha Qaramada Yurub ee Euro 2012 oo uu dalka Ingiriiska ka qeybgalayo.

Bent ayaay wax rajo ah laga qabin in uusan garoonka imaan ilaa iyo dhamaadka bisha May, halka xulka England kulankooda ugu horeeya ay qaadan doonaan 11-ka June markaas oo ay la ciyaari doonaan xulka France.

“Aad ayaan uga xumahay in aan mudada sidaasi u dheer garoonka ka maqnaado, gaar ahaan xiliyadi ugu adkaa ee horyaalka, waxaan rajeynayaa in aan kusoo caafimaado sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu ku qoray bogiisa Twitter ciyaaryahan Bent.

Weeraryahanki hore ee kooxaha Spurs iyo Sunderland ayaa garoonka loogaga saaray bareelo kadib marki uu dhaawac halis ah kasoo gaaray kulanki Sabtidi dhex maray Aston Villa iyo Wigan oo ku dhamaaday bar bar dhac goolal la,aan ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.