Benitez oo sheegay in uu sii joogi doono Ingiriiska

Tababaraha kumeel-gaarka ee Chelsea, Rafael Benitez ayaa sheegay in uu yaboohyo badan ka helay dhowr kooxood oo ka dhisan dalka Ingiriiska.

Macalinkan reer Spain ayaa si ku-meel gaar ah loogu dhiibay Chelsea, kaddib markii la ceyriyay Roberto Di Matteo bishii November. sidaas oo ay tahay haddana kuma sii nagaanayo garoonka Stamford Bridge oo waqtigiisa ayaa kuu eg ilaa dhammadka xilli ciyaareedka 2012 iyo 2013.

Isagoo la hadlaayay dadka wararka fidiya Khamiista maanta, ayuu sheegay in shaqada u taalla ay tahay kulanka caawa la lee yihiin Rubin Kazan tartanka Europa League heerkiisa quarter-final-ka.

Wuxuu sheegay in uu aad ugu qanacsan yahay heerka kooxdiisa ay ka joogto horiyaalka Ingiriiska English Premier League.

“Waxaan jeclahay in aan caawa guul ka gaarno kulanka Rubin Kazan ,” wuxuu intaas ku daray in uu sii joogo doono dalka Ingiriiska.

“Waxaa ila soo xiriiray dhowr kooxood kuwaas oo raba in aan macalin u noqdo, laakin anniga hadda waxaan diiraada saari doonaa kulanka Rubin Kazan .” ayuu mar kale yiri macalin Rubin Kazan .

Chelsea ayaa meel fiican ka joogta koonka FA Cup markii dhawaan guul ka gaartay Man Chester, iyadoona rabta in ay guul ka gaarto Europa.

Difaac Dhexe. Gary Cahill iyo Ashley Cole ayaa dhaawacan, taasna micnaheedu wuxuu yahay in howsha difaaca loo deen doono John Terry, David Luiz iyo Branislav Ivanovic waxaana lagu soo billaabi doona ciyaarta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here