Benitez oo sheegay in Chelsea shaqo badan ay u taallo ka hor

Tababaraha kooxda Chelsea ayaa sheegay in Chelsea shaqo badan ay u taallo ka hor inta aan la soo gabagabeyn horiyaalka Ingiriiska

Mr. Benitez ayaa sidoo kale soo dhaweeyay guushii shaley kooxda ay ku gaartay garoonka Stamford Bridge.

Macalinka kumeel gaarka The Blues, Rafa Benitez ayaa sheegay guusha ay ka keeneen kooxda Sunderland oo ay u dhiibeen 2 iyo 1.

Wuxuu hadalkan bixiyay mar uu la hadlaayay madaxda kooxda, waayo lixdii maalin ee la soo dhaafay seddax guul oo isku xigga ayey kooxda la timid taasoo la soo dhaweeyay.

Chelsea waa looga naxsaday goolka, Cesar Azpilicueta ayaa ka dhaliyay, laakin kooxda Sunderland waxa ay iska dhaliyeenn gool, taasoo ka dhigtay barbar dhac 1 iyo 1 Matthew Kilgallon ayaa goolka ka dhaliyay kooxdiisa.

Goolka guusha waxaa u soo hoyay kooxda Chelsea Branislav Ivanovic.

Macalin Benitez ayaa soo dhaweeyay barbardhicii Tottenham iyo Everton ee ka dhacay garoonka White Hart Lane goor horre Axadii.

Kooxda Chelsea waxa ay soo gashay kaalinta 3-aad, kala horeenta horiyaalka Ingiriiska ee Premier League halka guul darada soo gaartay kooxda Sunderland ay ka dhigeyso in ay weli ka mid tahay kooxaha loo cabsi qabo.
.
Sidaas oo ay tahay haddana wali waxaa haddana ku daba dhaggan kooxaha Tottenham, Arsenal iyo xittaeven Everton oo rajo ka qaba in ay ka mid noqdaan kooxaha iska xaadirinaya tartanka kooxaha Yurub.”

Kooxda Chlesea waxaa ka dhaawacmay weerar yahankooda Demba Ba kaasoo qaybtii labaad ciyaarta laga saaray.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here