Benitez oo caro kala dul-dhacay Torres kaddib guulo daro soo gaartay Liverpool

Macalinka kooxda The Blues-ka ayaa caro kala dul dhacday Fernando Torres . kaddib markii ay guul daro kala kulmeen Swansea oo 2 iyo o ay kaga adkaadeen the Capital One Cup.

Rafa Benitez  ayaa sheegay in  Torres  uu masuul ka yahay guul darada soo gaartay Chelsea, maxaa yeelay ayuu yiri waa wax aad looga xumaado.

Kooxda ayaa dhawaan 50 million pound waxa ay ka soo bixisay Demba Ba oo wax badan aan sameen isna ciyaartaas.

Si kastaba, macalinka kooxda the Blues ayaa sheegay in loo baahan yahay isbada maadama weerarka la soo badiyay.

“Waxaad heesatiin Mata, Ramires, David Luiz isku day badan lama sameen, waa wax aad looga xumaado, aad ayaan ugu qanacsanahay wadashaqeynta kooxda, laakin waa in lala yimaada sida hadda aan ku socono .” ayuu yiri Rafa Benitez .

Macalinka reer Span ayaa sidoo kale cannaantay  Branislav Ivanovic, labo qalad oo uu sameeyay intii ay ciyaarta socotay.

“Ciyaaryahan kasta ee sameeyay qalad uma arko wax waweyn, maxaa yeelay labo qalad ayuu sameeyay Ivanovic laakin wuu fiicnaa, waa in ciyaarta soo socota aan la nimaadno wax ka badalan wixii dhacay.”ayuu yiri Rafa Benitez .

Guusha kooxda Swansea waa markii ugu horreysay oo ay ku adkaato garoonka Stamford Bridge tan iyo sannadkii 1925.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here