Benitez: Higuain wuu ka qaybgalayaa kulanka Arsenal

299200_heroaTabbabaraha Kooxda Napoli, Rafael Benitez ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahanka reer Argentina Gonzalo Higuain uu ka soo muuqan doono ciyaarta Sabtida maanta ay la lee yihiin Kooxda Arsenal.

Higuain ayaa ku biiray kooxda Serie A-da markii uu dhawaan ka soo tagay kooxda Real Madrid, wuxuuna u badalay Edinson Cavani oo bishii July ka tagay kooxda.

Kooxda Gunners-ka ayaa ku guul dareesatay isku day ay ku dooneysay in ay kula soo wareegtoo weeraryahanka reer Argentine.

Ciyaarta ayaa ka dhaceysa waqooyiga London, waxaana ay ka qaybgaleysaa Napoli furitaanka tartanka Emirates Cup.

Tabbabare Benitez ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay la soo wareegitaanka weeraryahankan.

Benitez ayaa sidoo kale sheegay in la heli doono gool haye Pepe Reina kaasoo si amaah ay uga keensadeen kooxda Liverpool.

Laakin wuxuu yiri waxaan weli u baahanahay gool haye isagoona muujiyay baahida ay u qabaan goolhayaha reer Brazil ee Julio

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here