Benfica iyo Chelsea oo isugu soo haray ciyaarta ugu dambeesa UEFA Europa League

Waxaa isku soo haray ciyaarta ugu dambeesa tartanka labaad ee Yurub UEFA Europa League,kooxaha Portugal iyo Ingiriiska.

Labadan koox Penfica iyo Chelsea ayaa ka soo kala badiyay kooxaha Fenerbahçe iyo Basel, markii habeenimadii xaley ciyaareen lugta labaad ee tartakan.

Kooxda Portugal ayaa labadii ciyaaar waxa ay keensatay seddax gool halka Chelsea ay 5-gool ay uga badisay kooxda Switzerland.

Labadan koox ayaa ciyaarta ugu dambeesa waxa ay ciyaari doonaan habeen Arbaca ah. 15-ka bishan May 2013-ka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Wed 15/05/13

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here