Bellerin oo bartiisa Twitterka kusoo qoray hadal ka farxiyay Taageerayaa Arsenal

Hector Bellerin ayaa si adag uga hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Barcelona iyadoo warbaahinta Spain ay arintiisa si fiican uga hadashay isla markaana ka dhawaajiyeen inuu ogolaaday imaatinka Camp Nou.

Hector Bellerin wuxuu ka mid yahay xidigaha kusoo barbaaray xerada La Masia ee ay kusoo koreen Fabregas, Pique, Iniesta, Xavi, Busquests iyo Lionel Messi.

Wargeysyada Marca iyo Mundo Deportivo ayaa si adag uga hadlay arinkaan isagoo adeegsanaya bartiisa twitter-ka wuxuuna ku niyad galiyay jamaahiirta Gunners ineysan rumeysan wax walba oo lasoo qoro.

“Ha aaminin wax walba oo aad aqrisay” ayuu soo qoray Hector Bellerin taasoo aheyd arin farxad u ah Jamaahiirta Gunners.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here