Beledweyne: Maxaa kasoo baxay Kullankii Ugaas Xasan, Gen Gabre iyo Afeey?

13507208_852811728156724_9096745897391641427_nWafdi uu Hoggaaminayo Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Afay oo ay ka mid ahaayeen Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Gen Gabre ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyagoo kulan Saacado qaatay la yeeshay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Kulankan oo ahaa mid si gaar ah u dhaxmaray Ugaaska iyo wafdiga ka socday IGAD iyo Itoobiya, ayaa markii uu soo dhamaaday Waxaa Shir jaraa’id oo wadajir ah qabtay Danjire Maxamed Afeey iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo sheegay in ay ka wada hadleen inta badan siddii loo dhaqaajin lahaa dhismaha dowlad gobolleedka Labada gobol Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa siddoo kale sheegay in qodobadii ay ka wadda hadleen isaga iyo wafdiga isku afgarteen, inkastoo sida uu hadalka u dhigay wali arrimo badan ay harsan yihiin oo waqti kale loo balamay, waxaana uu intaa ku daray in wax walba leysku afgaran karo haddii aan arrimo kale sidda uu hadalka u dhigay soo dhaxgalin.

Kulanka ayaan noqonaya kii ugu horeeyay oo magaalada Beledweyne ay ku yeeshaan wafdi ka socda urur gobolleedka IGAD dowladda Itoobiya iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo looga wadda hadlo arinta la xiriirta dhismaha dowlad gobolleedka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here