Beladxaawo Saaka Maxay ku Waabariisatay(Akhriso)

Xaalada Magaalada Beladxaawo ee Gobalka Gedo ayaa saaka wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in xaalada Magaalada ay tahay mid degan kadib dagaal ka dhacay Degmadaasi.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Beladxaawo ku dagaalamay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,Ahlusuna iyo Al-Shabaab oo isku dhinac ah,iyadoo guud ahaan xaalada ay tahay mid caadi ah saaka.

Dadka goobjoogayaasha ah ayaa soo sheegayaa in ammaanka Magaalada ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna Al-Shabaabna ay dib ugu baxeen guud ahaan Magaalada oo ay shalay dhinac kasoo galeen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna ayaa duleedka Degmada waxa ay ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku muujinayaan awoodooda ku aadan Degmada Beladxaawo.

Shalay ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Magaalada Beladxaawo ee Gobalkaasi halkaasi oo qabsaden inkastoo dib ay uga baxeen Magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here