Beileh oo qaabilay safiirka Soomaaliya u fadhiya Sweden

DSC04392Mogadishu, March 19, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mikael Lindvall oo ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo qaabka lagu horumarin karo,laguna xoojin karo iskaashiga wadaaga ah ee labada dal u dhaxeeya.

Kulankani oo sidoo kale looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ku jirto balaarinta iyo kobcinta iskaashi dhinacyo badan leh oo labada dal ay yeeshaan , taasoo qeyb ka ah taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo furidda  xarumo xirfado shaqo loogu abuuro dhalinyarada ,si loo hakiyo u adeegsiga da’yarta iyo dhalinta soo koreysa colaada iyo dagaalada , loona suura-geliyo u saldhigidda  nabadda iyo deganaanshaha dalka .

Kulankani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha joogtada ee WasaaraddaAbdullahi Dool Mohamed iyo Hersi Haji Olosow oo ah Agaasimaha guud ee hab maamuuska  qaranka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here