Beesha Jareer Weyne ee Sh/dhexe oo Al Shabaab ku wareejisay 100 nin oo hubeysan

Beesha Jareer Weyne ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa shalay ku wareejisay Shabaabka magaalada Jowhar ilaa iyo 100 dhalinyara ah oo hubeysan.

Munaasabad ka dhacday shalay gelinki danbe magaalada Jowhar oo ayaa lagu soo bandhigay dhalinyaradan oo ay wadeen odayaasha qabaa’ilka ay ka koobantahay beesha kuwaasi oo ku wareejiyey gudoomiyahagobolka Sh/dhexe ee Al Shabaab.

Yusuf Kabakutuakde oo ah gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee Al Shabaab ayaa uga mahadceliyey beesha Jareer dhalinyarada ay ku saacideen, isaga oo xaqiijiyey in ay ka qeybqaadan doonaan dagaalada jihaadiga ah ee ay Shabaabka wadaan.

Xildhibaan Mowlid Macaani Maxamuud oo kasoo jeeda Beesha Jareer Weyne ee degmada Sh/dhexe ayaa u sheegay wariyaasha Muqdisho in dhalinyaradaasi aysan ku yimin si iqtiyaarkooda balse xoog lagu soo qasbay.

Waxa kale oo uu sheegay in aysan aqoonin dhalinyaradaasi habka dagaal loo galo iyo sida qori loo qaado balse ay garanayaan sida beeraha loo tacbo iyo habka loo qaado yaanbada iyo badiilka.

Shabaabka Jowhar ayaa baryahan waday ciidamo ay kasoo aruurinayeen dhamaan qabaa’ilka dego Shabeelaha Dhexe.

1 COMMENT

  1. asw: salaan kadib waxaan rabaa in aan usheego ninkaan layiraahdo kobakudukade in uu umadiisa badbaadiyo oo uu xabada kala dhaxbaxo,oo uu sameeyo sida muqtaar roobow uu sameeyay, hadii ee diin tahay waxaan ee sheeganayaan muqtaar roobow wuu dagaalami lahaa, marka in uu caqli isku yeelo ha iska daayo dhibaatada uu shacabkiisa ku haayo
    wabilaahi towfiiq

Comments are closed.