Beesha Daa’uud oo Kumaan Dollar ku deeqday Al-Shabaab.

Waaliga Ururka Al-Shabaab ee Gobolka Sh.Dhexe Yuusuf Sheekh Ciise (Kabo Kutukade) ayaa sheegay in mid ka mid ah beelaha dega Gobolka Sh.Dhexe ay ugu deeqday lacag dhan Kontan Milyan oo Shillin Soomaali ah oo marka Dollar ahaan loo sarifo ah lacag Kumanaan Dollar.

Yuusuf Kabo Kutukade oo wareysi siinayay Idaacadda ku hadasha afka Shabaab ayaa sheegay in lacagtaasi ay iska soo aruuriyeen dadka deegaanka Ruun-nirgood gaar ahaan beesha Daa’uud ee Abgaal Ismaan.

Deeqdani ayuu ku tilmaamay Kabo Kutukade in ay dadkii soo aruuriyay ugu talagaleen wax uu ku sheegay Jihaadka ka socda Soomaaliya.

“Illaahey ka sokow walaalaheena beesha Daa’uud waxaan uga mahad celineynaa lacagtan ay ku taageereen Mujaahidiinta dagaalka jihaadka ah kula jirta cadowgaa Alle, bedel ka qeyr badan ha siiyo, beelaha kale ee Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqeynaa iney ku daydaan” ayuu yiri Kabo Kutukade.

Laakiin ma jirto, cid warkani xaqiijin karto, marka laga reebo Waaliga Shabaab ee Gobolka Sh.Dhexe Yuusuf Kabo Kutukade oo idaacada taageerta warkani ka sheegay maanta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.