Beesha Cabdi Yuusuf ee Qabiilka Xawaadle oo dib u dooratay Nabadoonkeedii Guud Maxamuud Dhaqane Nuur “Dhegnaas”

Shirweyne ay maanta iskugu yimaadeen beesha Cabdi Yuusuf ee Qabiilka Xawaadle Magaalada Muqdisho , ayaa waxaa ay markale dib ugu doorteen Nabadoonka Guud ee Beesha Maxamuud Dhaqane Nuur “Dhegnaas”.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhamaan nabadoonada juffooyinka beesha oo kala ah Nabadoon-ka  (Habar Barre) – Cali Xasan Kuulow ,Nabadoon-ka  (Cabdalla-tuur Jalaajiid) –Maxamed Cali Salaad, Nabadoon-ka (Uurgaalle Jalaajiid)- Macalin Xasan Sheekh Aadan,Nabadoon-ka  (Warfaa Mataan) –Cali Buulle Guure , Nabadoon-ka  (Iidle Mataan) – Xuseen Geedi , Nabadoon-ka  (Garaad Cabdi) –Cismaan Tifoow Food-cadde iyo odayaal kale oo madasha taageero ka muujiyay , kuwaasoo kala ahaa C/llaahi Cilmi Hurre iyo Ibraahim Guurre Cali ,Ibraahim Maxamed Dugaal ,C/Casiis Xaaji Dhaffe iyo Sheekh Axmed Cabdi Cali Xooshow.

Kulan-weynahan oo beeshani ay ku yeelatay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ,kana soo qeybgaleen dad ku dhow 200 ruux oo iskugu jiray duqowda dhaqanka , aqoonyahanada , saraakiisha ciidamada ,dhalinyarada iyo haweenka ayaa waxa ay ku muujiyeen sida ay u taageersan yihiin midnimada beesha Cabdi Yuusuf iyo dib u doorashada Nabadoonka Guud  Maxamuud Dhaqane Nuur “Dhegnaas”.

Arrinkan ayaa waxa uu suura-galay kadib markii la xaliyay mad-madow iyo khilaafaat yar oo ka dhex jiray odayaasha beesha ,kuwaasoo xalkeeda ay ka shaqeeyeen guddi gaar ah,iyadoo kulanka maanta casuumaadeedana uu fidiyay Nabadoonka Guud ee Beesha.

Beesha ayaa waxa ay iskula dardaarmeen qodobada kala ah :

1- Beesha Cabdi Yuusuf inay kaalin muuqata ku yeelato nidaam kasto oo loo sameeynayo gobolada beesha  ay wax kala degto beelaha kale ee Soomaaliyeed ee kala ah gobolada J/dhexe , J/hoose,Sh/hoose ,Baay,Bakool,Gedo iyo Hiiraan.

2- Beesha Cabdi Yuusuf inay kulan gaar ah la yeelato Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed , una bandhigto Cabashada iyo ashtakada ay qabaan oo ah in beesha laga qadiyay, waxna laga siin waayay Wasiir-kuxigeenada  golaha Wasiirada,Safiirada ,Qunsuliyadaha ,gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gobolada koonfureed ee dalka,Agaasimayaasha Wasaaradaha ,Wakaaladaha,lana dalac-siin waayay Saraakiisha ciidamada.

3-Beesha Cabdi Yuusuf inay  la kulanto Wasaaradda Waxbarashada dowladda FS,Safaaradaha Turkiga iyo Suudaan ee Muqdisho si ay ugu bandhigto baahida beesha ee dhanka waxbarashada,kadib markii la hareer-mariyay deeqaha waxbarasho oo arday badan oo Soomaali ah loogu kala qaaday wadamada Sudan,Turkiga,Maleysiya,India iyo Urdun.

4-Beesha Cabdi Yuusuf inay la kulanto Wasaaradaha Qorsheynta qaranka iyo iskaashigga Caalamiga, Howlaha guud iyo guriyeynta ,Safaaradda Turkiga iyo Barnaamijka Qaramada-midoobey ee dib u dejinta, si beesha ay ugu bandhigto baahida ay u qabto in dib u dejin loogu sameeyo barakacayaasheeda ku sugan gudaha Muqdisho,loona helo dhul ay deegaansadaan oo u dhan –yahay dhammaan baahida nolosha ee biyaha ,korontada iyo isgaarsiinta.
Baaq

Beesha Cabdi Yuusuf waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan hey’adaha samafalka ee wadanka gudihiisa ku sugan inay si cadaalad ah wax ugu qeybiyaan dadka dhibaateysan ee dagaalada iyo abaaraha ay saameeyeen .

Beesha Cabdi Yuusuf waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan Jaaliyadaha beesha ee ku dhaqan wadamada Afrika , Asia ,Yurub, Ameerika  iyo Ausrtalia inay taageeraan dadaalada beesha ay ku dooneyso inay ku ilaaliso midnimadeeda ,si loo gaaro natiijo wax ku ool ah.

2 COMMENTS

Comments are closed.