Beesha Caalamka oo si diiran usoo dhaweysay maamulka cusub HirShabelle

keatingQaramada Midoobay, Midowga Yurub, kan Afrika, IGAD iyo Itoobiya ayaa dhamaantood war saxaafadeed ay soo saareen waxeey si diiran usoo dhaweeyeen maamulka cusub ee HirShabelle.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay Beesha Caalamka, ayaa waxaa si gaar ah loogu amaanay Doorkii ay Doowlada Soomaaliya ku lahayd dhismaha maamulka HirShabelle, kaasoo madaxweyne loogu doortay Cali C/laahi Cosoble.

Warsaxaafadeed ay soo saareen beesha caalamka ayaa loogu baaqay Maamulka cusub ee Hirshabelle in uu kooxaha ka maqan weli maamulka inuu ku soo biiriyo isla markaana uu si hugnaan ah u soo dhiso Aqalka Sare iyo doorashada Baarlamaanka federalka.

“Maamulka cusub waa inuu u hogaansanaadaa sharciyada iyo heshiisyadii hore ay u gaareen maamul goboleedyada sida soo xulista ergada baarlamaanka iyo in la sii daayo qoondada haweenka ee hore loogu heshiiyay ee ahaa boqolkiiba soddon,”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay beesha caalamka.

Waxay sidoo kale beesha caalamka ugu baaqday maamulka cusub in uu dadaal xoog leh u galo sidii dadka qabanaya xafiisyada maamulka ay u noqon lahaayeen kuwo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda.

“Welcome to HirShabelle – Soo dhowoow”ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Michael Keating. “Beesha Caalamka wax ay diyaar u tahay inay taageerto maamulka cusub iyadoo maamulkana looga baahan yahay in uu dhamaystiro qorshayaasha uu ku doonayo in uu ku horumariyo bulshadia”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here