Warbixin: Beeraleeyda Gobolka Shabelaha dhexe oo codsaday in Kanaalo loo qodo

IMG_5703Qaar ka trirsan Beeraleeyda Gobolka Shabelaha dhexe ayaa ka codsaday Wasaarada Beeraha Xukuumada Soomaaliya in loo qodo Kanaalo hor leh oo ay beeraha ku waraabsadaan ka dib markii beeraha qaar aysan laheyn Kanaalo lagana faa,iideysto xareeda Roobka .

Beeraleydaan oo qaarkood ku mideysan yihiin Iskaashatada UDHIS ayaa sheegay in ay lee yihiin beero waaweyn oo dhowr boqol oo Ektar ah balse aysan laheyn habayaaratee wax kanaalo ay ku waraabsan karaan, ama ceelal ay biyo la,aanta ugu maarmi karaan.

Halkan ka dhagayso warbixinta:

Dalagyada iminka ay tacbeen ayaa ah kuwa kala duwan sida Yanyada Qaraha Sisinta , Digirta & Galeyda,

Qaar ka tirsan beeraleyda ayaa ugu danbeyntii ka codsday Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe Dowlada Soomaaliya & Hey,adaha in laga kaalmeeyo sidii ay u heli lahaayeen kanaalo ama celal biyaha toos looga heli karo.

Si kasto ha ahaateee Gobolka Shabelaha dhexe ayaa qeyraadka Ilaah ku maneystay ama Nimcooleeyda Ilaah ugu deeqay ay tahay beeraha wax laga soo saarto & Bada wax ka soo galaan.

IMG_5701 IMG_5703 IMG_5704 IMG_5706

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here