Beeraleey ku dagaalantay Tuulo hoostagta Jowhar

Wararka naga soo gaaraya shabeelada dhexe ayaa sheegaya in tuulo ku taala bariga magaalada Jowhar , oo la yiraahdo Mayoongaale uu xalay dagaal kadhacay, waxaana la sheegayaa in uu jiro khasaaro badan oo ka dhashay dagaalkaas.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Tuulada Mayoongaale ay ku dagaalameen dad beeraleey ah, waxaana la sheegay in Tuulada qaybo badan oo kamid ah dab la qabadsiiyay.

Sidoo kale waxa la xaqiijiyay in hal qof uu dhaawac daran kasoo gaaray iska hor’imaadkaas.

Ciidamo katirsan kuwa maamulka Shabeelada Dhexe, ayaa lasheegay ineey goobta gaareen, islamarkaasna ay kala dhexgaleen labadii dhinac ee ditrirtu dhex mareysay.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxa jirtay Xiisado u dhaxeeyay dad beeraleey ah oo wada daga Tuulada Mayoongaale, taasoo markii danbana gacan kahadal isku badashay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here