Beelaha Hawiye: Madaxtooyada waxeey faragelin ku sameeysay Ergooyinka iyo…..

Beelaha HawiyeKulan looga hadlay dhaliilaha beelaha Hawiye ka qabaan doorashooyinka dalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi laga soo saaray war-saxaafadeed odayaasha Hawiye isku raaceen.
Odayaal, siyaasiyiin iyo waxgaradka beelaha Hawiye ayaa sheegay inuu jiro musuq maasuq ku aadan doorashada sanadkaan ka dhacday qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, musuq maasuqaasi oo lagu sameeyay kuraasta baarlamaanka qaarkood.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in beelaha Hawiye ay diidan yihiin faragelin toos ah oo madaxtooyada Soomaaliya ay ku sameysay soo xulista ergooyinka iyo xildhibaanada beesha.

odoyaasha Hawiye

Waxay ugu baaqeen madaxda dowlada Soomaaliya iney joojiyaan faragelinta lagu sameynayo wakiilada beesha, waxaana ay sheegeen in sidoo kale ay jiraan dhaliilo ka qabaan gudiga doorashooyinka dadban oo la sheegay iney madaxtooyada ka socdaan.

Odayaasha ayaa ku baaqay in si cadaalad ah looga shaqeeyo doorashada sanadkaan ka dhaceyso Soomaaliya si guul iyo barwaaqo loogu gaaro doorashada 2020.

444444444444444444444 kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk llllllllllllllllllll

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here