Beckham oo ka fikiraya in uu sii joogo kooxda PSG

37-jirka da’da ah ayaa qaadanaya go’aan ah in uu mustaqbalka dhow sii joogo horiyaalka Faransiiska eLigue 1, laakin ilaa hadda go’aan sax ma uusan qaadan.

Kooxda iyo macalin Carlo Ancelotti , waxa ay rabaan David Beckham in uu sii kooo xilli ciyaareedka soo socda caasimada Faraniiska.

Xidigii hore ee qadka dhexe LA Galaxy ayaa dhowr kulan la ciyaarsiiyay tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda hogaanka Fransiiska Ligue 1 bishii January.

Hal kulan ayaa lagu soo billaabay 11 ciyaaroodna wuu u ciyaaray kooxda inta uu la jooga.

Mar uu la hadlaayay sabtida maanta ah Sky Sports News, wuxuu yiri “Heshiiskayga wuxuu dhammaanayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, dadku waxa ay i weydiiyeen in aan baxayo iyo in aan halkan ka sii ciyaari doono ,” ayuu mar kale yiri.

Mulkiilayaasha kooxda iyo macalinka waan wada kulanay, waxaana ay ii cadeeyeen in aan sii joogo halkan, taas ayaa sharraf ii leh.

Ciyaaryahanka oo ay ka daba timid da’da ayaa mar uu hadlaayay wuxuu yiri

“Marka la gaaro bisha May ee sannadkan waxay da’deeda ay noqoneysa 38-jir waa in aad ogaadaa da’daada laakin wali waan ku sii dhex jiri karaa kubadda,”

Beckham ayaa markale yiri. “Dadku waxa ay iweydiiyaan goormee ayaad ciyaaraha ka fariisan? waana arki doonaa su’aalahaas, laakin waa kuwa iska fudud ka jawaabidooda, waayo hadda kuma taamayo arrintaas, laakin waa sax in aan go’aan ka gaaro marka aan ciyaaraha ka fariisanayo hadda ma ahan wax furan.”ayuu ugu dambeen shegay, ciyaaryahankii hore kooxaha Manchester United, Real Madrid, Milan iyo kooxda qaranka Ingriiska.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here