BBC-da oo tacsi udirtay Wariye “Jihaad Al-mish-harawi”

Masuuliyiinta hay’ada idaacada BBC-da ayaa waxau tacsi udireen wariyaheedii uga soo warami jiray marinka Gazza “Jihaad Al-mish-harawi’ oo uu wiilkiisa iyo xaaskiisaba ku geeriyoodeen duqeeymaha ay Srael maalmahaan kawaday halkaas, BBC-da waxay sheegtay ineey aad uga xuntahay ugana murgooneeyso geerida ku timid qoyska wariye Jihaad.

Shalay ayay ahayd markii mid kamid ah diyaaradaha Srael ay gantaal ladhacday guriga wariye Jihaad, waxaana halkaas ku geeriyooday wiil uu dhalay wariyaha kaasoo jiray 11 bilod oo kaliya iyo xaaskiisa, sidoo kale waxaa uu dhaawac labo wiil oo kale.

Wariye Jihaad ayaa waxa uu ahaa wakiil wareedka BBC-da uqaabilsanaa marinka gazza.

BBC-da waxay sheegeen ineey garab taaganyihiin wariyahooda jihad, islamarkaasna ay la qaybsanayaan walwalka iyo xanuunka waqtigaan adag.

Wariyaasha BBC-da ee jooga marinka Gazza ayaa ah kuwo ku dhexjira Qatar aad halis u ah islamarkaasna waxay halkaas kasoo tabiyaan wararka iyo sawirada hadbo xaalada sideey tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here