Pep Guardiola oo loo magacaabay tababaraha kooxda Bayern Munich

Kooxda Germalka ayaa goordhow ku dhawaaqday in macalinka kooxda loo magacaabay 41-jirka reer Spain Pep Guardiola.

Macalinkan ayaa ka soo tagay sannadkii hore 2012-ka garoonka Barca ee Camp Nou kaddib uu u soo hoyay illaa 14-koob afar xilli ciyaareed oo uu la joogay kooxda.

Kooxda Germalka ayaa ku howlaneed in ay la soo wareegto xiddiggan tan iyo sannadkii 2006-da xilligaas oo la rabay in la keeno horiyaalka Bundesliga.

Guardiola ayaa la sheegay in si wayn loogu soo dhaweeyay xarunta kooxda  Bayern  halkaasoo uu ku qaabilay maamulaha guud ee kooxda Karl-Heinz Rummenigge kaasoo sheegay in uu aad ugu faarxsan yahay in ay soo qabsadaan macalinka reer Span.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku guuleesano in kooxda loo magacaabo khabiirka Sports-ka Pep Guardiola, kaasoo caan ka ah kooxaha iyo xulalka adduunka ,” ayuu yiri CEO Karl-Heinz Rummenigge.

Isagoo intaas ku daray “Guardiola waa mid ka mid ah macalinta ugu wanaagsan adduunka koobabais, waxan hubnaa in gacan ka geesan doono siddii kubadda cagta  Bayern, ama Germalka ay u iftiimi lahaayeen.”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here