Bayern oo u diyaargarowday ciyaarta ay lee dahay kooxda Barcelona

Kabtanka kooxda Bayern Munich, Philipp Lahm ayaa ka dhawaajiyay in kooxda ay hadda u diyaar garowday ciyaarta ay la lee dahay kooxda Barcelona si ay u gaarti ciyaarta ugu dambeesa tartanka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League.

Laham ayaa la hadlay Isniinta maanta ah wargeyska Tuttosport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga, wuxuuna sheegay kooxda Germalka ay hadda xaqiijisay horiyaalka Germalka ee Bundesliga.

Wuxuu intaas ku daray kooxda wali in aysan hilaamin guuldaradii xilli ciyaareedkii hore ka soo gaartay kooxda Chelsea, markaas oo ay ku guuleestay Munich.

29-jirkan ayaa shaaciyay in kooxda Barcelona ay tahay koox wayn isla markaana afar jeer ku guuleestay tartankan,balse ay dedaal kasta isugu geen doonaan si ay u hantaan koobkii shannaad ee tartanka kooxaha qaaradda Yurub.

Bayern ayaa isu geen 4-0 uga badisay kooxda Talyaaniga ee Juventus sidaasna uga soo baxday semi-final waxaana lugta hore lagu ciyaari doonaa magaalada Munich April 23.

Lahm ayaa sheegay in waxbo aysan ka ugu kala duwaneen in ay ku ciyaaran gurigooda ama meel kale, balse muuhimada buu yiri waa in aan guul gaarno.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here