Bayern Munich oo rikoor cusub sameysay iyo Inter oo hartay

Kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa 7-0 xaaqday naadiga FC Basel ee dalka Awitzerland ciyaar ka tirsaneyd lugta labaad ee wareega 16-ka koobka Champions League.

Afar ka mid ah goolasha waxaa dhaliyey Mario Gomez, iyadoo Bayern Munich ay noqotay kooxdi ugu horeysay ee wareega 16-ka tartankan ku badisay 7-0 rikoor cusubna ka sameyso koobkaan Champions League.

Arjen Robben ayaa saxiixay goolka koowaad ee rajada, waxaana labeeyey Thomas Mueller, waxaa sadaxeeyey Gomez, wiilkan u dhashay Jarmalka ee cajiibka ah ayaa hadana afareeyey mar kale ayuu madaxa ku  dhaliyey goolki shanaad si uu u dhameystiro markiisi shanaad oo uu sadexle dhaliyo xilli ciyaareedkan.

Gomez ayaa shabaqa la helay goolkiisi afraad ka hor inta uusan Roben dhalinin goolkiisi labaad markaasi oo ay Bayern xaqiijisay in ay sameysay rokoor cusub oo taariikhi ah.

Bayern iyada ayaaba ka darnaatay kooxda Barcelona oo todobaadki hore 7-1 kaga awood sheegatay kooxda Bayer Leverkusen oo kasoo jeedo dalka Jarmalka, waxaana la dhihi karaa waxay u aartay kooxda ay isku wadanka yihiin.

Hadaba kadib marki ay guushaasi culus jeebka ku ridatay ayey Bayern ku biirtay kooxaha sida aadka ah loogu saadaalinayo in ay qaadaan koobka sida Barcelona, iyo AC Milan, Real Madrid ayaa iyana laga war dhowrayaa caawa.

Waxaa kale oo xusid mudan in finalka koobkan lagu qaban doono garoonka Bayern Munich ee Allianz Arena taariikhdu marka ay ku beegantahay 19 May.
Dhanka kalana Kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa noqotay kooxdi ugu horeysay ee Talyaani ah ee ka harto koobka kooxaha horyaalkada Yurub ee Champions League kadib marki ay kooxda Marseille dhaafi weysay.

Marseille oo lugti hore kusoo badisay gurigeeda 1-0 ayaa xalay loogaga badiyey 2-1 oo Inter ayaa badisay hase yeeshee waxa sharciga xaga goolasha kusoo baxday kooxda reer France ee Marseille, maadaama ay gool ku dhalisay garoonka Inter ee San Siro.

Inter mar kale waxa dilay gool ay waqtigi ugu danbeeyey ee ciyaarta ay ka dhalisay Marseille, waxaana goolkaasi dilay Inter saxiixay  Brandao.

Diego Milito ayaa goolka koowaad u dhaliyey Inter kaasi oo ciyaarta ka dhigay bar baro 1-1 ah marka laga eego sharciga tartanka, iyada oo la filayo in wati dheeraad ah lagu daro ayaa waxaa bareejeeyey Brandao.

Gool aanan waxba u tarin ayaa waxaa aaqirki u dhaliyey Inter ciyaaryahan Bazzini kadib marki goolhayaha Marseille Steve Mandanda uu sameeyey qalad.

Kooxdan Inter ayaa ku jirto xaalad adag, waxaana macalinkeeda Claudio Ranieri haatan kusii badanaya cadaadiska iyada oo laga yaabo in shaqada laga ceyriyo, waayo horyaalka wuxuu kaga jiraa kaalinta todobaad mana la rajeynayo in xilli ciyaareedka danbe ay ka qeybqaadato koobka Champions League.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.