Bayern Munich oo Rikoor cusub ka dhigtay horiyaalka Bundesliga

Kooxda Bayern Munich ayaa rikoor cusub ka dhigtay sannadkan horriyaalka Jermalka ee Bundesliga, markii Sabtidii dhawayd ay 1 iyo 0 kaga badisay Freiburg.

Bavarian-ka ayaa dhaaftay kooxda Borussia Dortmund oo sannadkii horre ku guuleesatay horiyaalka markii ay ku dhameesatay 81-dhibic, laakin kooxda hadda dhibcahaas waxaa u dheer seddax.

Bayern ayaa sameesay 10-fursadood, kaddib markii Arbacadii horre markaas 4-0 horiyaalka koobka kooxaha qaaradda Yurub ayt kaga badiyeen naadiga Barcelona.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa indhaha weli ku heysa in uu dib ugu soo laaban doono tartanka horiyaalka, marka habeen dambe ay la ciyaaraan kooxda Bayern Munich marka ay ku cayaaraan garoonka Camp Nou.

Tababare Jupp Heynckes ayaa nasiyay toddobaadkan xidiggaha muhiimka u ah kooxda sida Thomas Mueller oo labo gool ka dhaliyay Barca iyo Mario Gomez iyo Arjen Robben oo iyana min hal hal gool dhaliyay.

Bayern weli iyadoo ku guuleesatay tartanka waddankeeda waxa ay sii wadaa guulaha ay gaareyso Sabtidii waa ay badisay Bundesliga waxaana ay dhigtay rokoor cusub oo ah 84 dhibic waxaa ay seddax dhibac ka kormartay kooxda Dortmund oo sannadkii horre koobka ku guuleesatay.

Messi keydka ayaa lagu soo billaabay ciyaartii Sabtidii ee horiyaalka La Liga la yeesheen kooxda Athletic Bilbao waxaana ay ku dhammaatay 2-2 barbardhac, ciyaartaas macalinka kooxda wuxuu ku soo bilaabay weeraryahanka David Villa.

Dhibaatada kale ee habeen dambe heesta kooxda Barca waxa weeye kabtankooda Carles Puyol wuu muqan yahay sidoo kale lugtii horre kama qaybgalin.

Eric Abidal ayaa lagu badalay 22-jirka difaaca dhexe ee Marc Bartra ciyaartii ay kaga soo horjeedeen Bilbao waxaana loo dhigta ciyaarta Arbacada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here