Bayern Munich oo rigoorayaal ku reebtay Real Madrid

Bayern Munich ayaa gaartay finalka koobka Champions League ee Kooxaha Horyaalada Yurub, kadib marki ay ku garaacday rigoorayaal 3-1 ah lugti labaad ee wareega semi-finalka.

Ciyaarti xalay oo ka dhacday garoonka Bernabeu ayaa waqtigi loogu tala galay waxay ku soo dhamaatay 2-1, waxaana loo baahnaaday in lagu daro 30 daqiiqo oo kala bax ah, laakin wax goolal ah way iska kala dhalin waayeen.

Real waxay isa siisay guusha marki ay laba gool oo xiriir ah uu u dhaliyey Cristiano taasi oo ay ku jiray gool rigoore ah, hase yeeshee Arjen Robben ayaa Bayern u saxiixay rigoore kadib marki Pape uu xerada ganaaxay ku jalaafay Mario Gomez.

Ciyaarta ayaa sidaasi kusoo gabagabowday waxaana ay ka dhigneyd in labada koox ay ku dhameysteen bar bar dhac, maadaama lugti hare ay Bayern kusoo badisay 2-1.

Rigoorooyinki lagu kala saaray labada koox ayaa waxaa bilaabay David Alaba oo u Bayern u dhaliyey, laakin goolhaye Manuel Neuer ayaa ka badbaadiyey Cristiano Ronaldo, Gomez ayaa isna dhaliyey, sidoo kalana Real waxaa laga qabtay laacibkoodi labaad Kaka, iyadoo ciyaarta mareyso 2-0 ayaa waxaa goolhayaha Madrid Casillas uu ka qabtay Toni Kroos.

Xabi Alonso ayaa noqday ciyaaryahanki ugu horeeyey ee Real Madrid u dhaliyey goolasha, waxaa ku xigsaday Philip Lahm oo uu Casillas ka qabtay , Real iyada Bayern markaasi waxay iska kala qabteen min laba rigoore, waxaa soo kacay daafaca Real Sergio Ramos oo cirka ku tolay taasi oo niyada ka jibisay macalin Jose Mourinho waxaana go,aan ka gaaray ciyaarta Bastian Schweinsteiger oo u dhaliyey Bayern goolkii guusha.

Bayern Munich ayaa finalka koobkan wajahi doonta kooxda Chelsea, iyada oo ku ciyaari doonto garoonkeeda Alianz Arena.

Bayern ayaa noqon doonta kooxdi ugu horeysay oo final ku ciyaarta garoonkeeda koobka Champions League, waxaana la qaban doonaa kulankaasi 19-ka May.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.