Bayern Munich oo rabta Rooney

Franz Beckenbauer ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa yeen Bayern Munich oo la soo saxiixata xidigga reer Ingiriis ee Wayne Rooney.
Warar kutir kuteen ah ayaa sheegay in mustaqbalka weerrar yahanka Manchester United, uusan kala cadeen tan iyo markii uu ka saaray tababare Sir Alex Ferguson ciyaartoyda joogta ah ee kooxda u ciyaara, gaar ahaan kulankii tartanka Yurub ee Red Devils-ka la yeelatay kooxda Real Madrid.

“Aad ayaan u jeclaan lahaa Wayne Rooney oo yimaada Bayern,” sidaas waxaa saxaafadda u sheegay kabtankii kula guuleestay koobka adduunka kooxda Germalka.

Pep Guardiola ayaa si rasmi ah gacanta ugu qaban doon xilli ciyaareedka soo socda kooxda ka dhisan Allianz Arena, waxaana uu baahan yahay in wax badan ka badalo kooxda, si kor loogu qaado.

Rooney isaga iyo macalinkiisa waxaa ka dhex jirta khilaaf ballaaran, laakin 15-gool ayuu dhaliyay 30-ciyaar uu saftay kooxda Red Devils xilligan.
Wararka sheegaya in uu ka tagayo Old Trafford, tababarihiisa ayaa beeniyay, wuxuuna daboolka ka qaaday in uu la joogayo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here