Bayern Munich 2-1 Real Madrid

Gool uu daqiiqadi ugu danbeeyey dhaliyey Mario Gomez ayey kooxda Bayern Munich kaga adkaatay naadiga Real Madrid lugta koowaad ee semi-finalka koobka Champions League oo ku dhamaaday 2-1.

Goolki uu si xoog ah u dhaliyey Franck Ribery ayey hogaanka ciyaarta ku qabatay Bayern oo ku ciyaareysay garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich, laakin waxaa ka diiday oo bareejeeyey Mesut Ozil wax yar kadib marki laga soo laabtay 15-ka daqiiqo ee nasashada.

Weeraryahanka xooga badan ee kooxda Bayern Munich,  Gomez oo fursado badan qasaariyey ayaa marki danbe la helay lugtiisa goolkii guusha oo ahaa mid ay ugu qalantay Bayern in ay ku badiso.

Real ayaa u muuqatay marki ay keentay bareejada in ay difaac ku aruurtay si ay ugu tashato guul is araga labaad ee garoonkeeda, waxaana uu macalinka soo geliyey Contreo iyo Heguain iyo Marcelo si uu isu difaaco.

Bayern waxay difaacatay rokoorkeeda ah in aysan Real Madrid waligeed uga badin garoonkeeda magaalada Munich, sidoo kalana waxay kor dhisay guulaheeda Real oo ah in ay garaacday 11 jeer.
Macalinka Real Jose Mourinho haatan shaqo ayaa u taala waxaana looga baahanyahay inuu sideey doontaba ha ahaatee uu garaaco Bayern, isaga oo maanka ku hayo kulanka adag ee El Clasico oo uu Sabtida la ciyaari doono kooxda Barcelona ka hor kulanka Bayern.

Laakin macalinka Bayern Jupp Heynckes ayaa raba inuu sameeyo rikoor cusub oo ah inuu noqdo kooxdi ugu horeysay oo finalka Champions League ku ciyaarto garoonkeeda, iyadoo sanadkaana finalka tartankan lagu qaban doono garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich dalka Jarmalka.




Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.