Bayern München oo ja jabsatay Hoffenheim

Ciyaartooyda dhaawaca kasoo toostay ee kala ah  Gomez, Robben & Boateng ayaa ku gableeyey kooxda Hoffenheim ka gadaal marki ay 7-1 ku garaaceen ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Bundesliga ee dalka Jarmalka shalay.

Bayern Munich ayaa guushaasi weyn uga jawaabtay guuldaradi kasoo wajahday horyaalka todobaadki hore taasi oo ay ku qasaartay kooxda Leverkusen, waxaana ciyaarti ay kusoo bandhigtay garoonkeeda Allianz Arena lagu tilmaamay mid taariikhda horyaalka Jarmalka gashay.

Bayern qeybti hore ayeyba iska boobsiyey kooxda kasoo horjeeday kadib marki ay faraqa u gelisay shan gool iyo waxba waxaana min bilow ilaa dhamaad qeybti hore si qabow oo dagan u maamuleysay kooxda Bayern oo lagu naaneeso Bavarians.

Goolasha waxaa kala qeybsaday Mario Gomez oo sadex dhaliyey ‘hat-trick’, Arjen Robben oo laba saxiixay, Toni Kroos iyo Franck Ribery oo min gool kala qeybsaday.

Goolka caatada ahaa ee ay la timid Hoffinhem waxaa siiyey Luiz Gustavo oo iska dhaliyey isaga.

Natiijadaasi ayaa ka dhigeysa in Bayern ay haatan u soo jirsatay afar dhibcood oo qura kooxda hogaanka heysa ee Dortmund taasi oo xalay waqti danbe la ciyaartay kooxda Augsburg.

Hoffenheim waxay dib ugu laabatay kaalinta 12-aad, iyada oo haatan la dhibca  ah kooxda Mainz.

 

Ciyaarihi kale ee horyaalka Jarmalka kooxaha waxay isu arkeen sidan:

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.