Bayer Leverkusen oo ceyrisay tababareheedii Robin Dutt

Bayer Leverkusen ayaa ceyrisay macalinkeedii  Robin Dutt kadib marki uu soo xareeyey shan kulan oo guuldarooyin xiriir ah dhamaan tartamadi ay kooxda ciyaartay, waxaana booskiisa si KMG ah loogu dhiibay Sami Hyppia.

Go,aankan xilka looga qaaday tababarahan 47 jirka ah ayey maamulku gaareen marki kooxda garoonkeeda ay ku garaacday naadiga Freiburg Sabtidi shalay.

Hyppia waxa uu la kaashan doonaa howlahan macalinka kooxda dhalinyarada Sascha Lewandowski.

Leverkusen ayaa u muuqatay koox qatar ah oo meel fiican ka gaari doonto sanadkaan horyaalka Bundesliga, guul ayey ka gaartay  Bayern Munich bishi lasoo dhaafay, laakin waxay ku fashilantay guuldaradi xumeyd ee ay 7-1 ku lumisay kooxda Barcelona wareegi 16-ka ee koobka  Champions League.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.