Baydhabo: Xaasaska Al-shabaab oo amaro culus lagu soo rogay

Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey
Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey

Maamulka Koofur Galbeed ayaa amaro culus kusoo rogay xaasaska Al-shabaab ee ku nool guud ahaan deegaanada uu ka arimiyo maamulkaas, waxaana lagu amray ineey sida ugu dhaqsiyaha badan isku soo diiwaan geliyaan.

Amarkaan ayaa waxaa soo saaray guddiga amaanka ee dhawaan lagu dhawaaqay, waxaana hogaaminaya gudigan wasiirka Maaliyada, kaasoo ka codsaday Haweeneey walbo oo u dhaxda nin Al-shabaab katirsan ineey isa soo diiwaan geliyaan.

“Hadii ay is diiwaan gelin waayaan, waxaa loo aqoonsan doonaa qof dhibaata wada..” ayuu yiri wasiirka.

Arintaan ayaa sidoo kale saameyn doonta qof walboo Al-shabaab horay uga tirsanaa ama ehel la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here