Somalia: Sh. Xasan & Sharma’arke oo kulan gaar ah qaatay

shariif Xasan iyo Sharma'arke oo kullan qarsodi ah Baydhabo ku qaatay
shariif Xasan iyo Sharma’arke oo kullan qarsodi ah Baydhabo ku qaatay

Baydhabo-Somalia: Madaxweynaha maamul Goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo Ra’iisulwasaaraha waqtigiisa dhamaaday Cumar Cabdirashiid, ayaa shalay kullan saacado qaatay oo gaar ah ku wada qaatay .

Kulanka labada nin oo qarsoodi ahaa qaatayna mudo 3 saacadood ah, ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee magaalada Baydhabo.

Cumar Cabdirashiid iyo Shariif Xasan oo isku baheysi ah, ayaa wada olole ka dhan ah Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana muddooyinkan ay si is-daba joog u tagayeen Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Ilo ku dhow dhow kulankan oo ka dhacay qol ka mid ah qeybta VIB-da ee garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhabo ayaa qaatay muddo saddex saacadood, iyadoo kulanka uu albaabada u xirnaa.

Labada nin ayaa isku aragti ka ah cida noqoneysa Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay dadaal ugu jiraan sidii Musharax ka soo jeeda Beelaha Hawiye loogu soo saari lahaa xilkaas, sidoo kale waxaa kulankaas looga hadlay sidii lagu heli lahaa taageerada 47 Xildhibaanada Dirta waqooyi iyo in Maxamed Cumar Carte laga dhigo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Imaaraadka Carabta ayaa sameeyay isbaheysi Musharaxiin ah oo uu si dhow ugala shaqeynayo sidii Madaxweyne Xasan Sheekh looga takhaluso lahaa, iyadoo isbaheysigan ay dhowaan ku soo biireen Musharaxiin hor leh oo ku heyb ah Madaxweynaha.

Maalinta khamiista ee soo socota ayaa lagu wadaa in kulan kale uu ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaana kulankan ku soo biiri doona Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo jimcihii la soo dhaafay ku guuleystay Xubinimada Baarlamaanka. ee Aqalka Hoose.

cumar-shariif cumar-shariif1 cumar-shariif2

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here