Baydhabo oo qarka u saaran in ay soo galaan ciidamada Itoobiya.

Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo ay ku soo dhow yihiin ciidamada isgarabsanaya ee Dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya.

In ka yar 60 Km ayey u soo jiraan Baydhabo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya, waxayna haatan ku sugan yihiin bannaanka degmada Bardaale oo 50 km u jirta Baydhabo, halka wararka qaar ay sheegayaan in ay lugta soo geliyeen Bardaale.

Dagaal culus oo duleedka degmada Bardaale ku dhex maray Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Maliishiyada Al-Qaacida ayaa sababay khasaaro labada dhinac soo gaaray.

Dhaqdhaqaaqyadan ka socda Baydhabo iyo degmooyinka kale ee ka tirsan Bay iyo Bakool ayaa u muuqda kuwo looga hortagayo ciidamada isbiirsanaya kuwaasi oo ka go’an iney qabtaan guud ahaan gobolada Bay iyo Bakool.

Abuu Mansuur Roobow Cali oo kasoo jeeda goboladaasi kana mid ah Hoggaamiyeyaasha Al-qaacidada Soomaaliya  ayaa dadka deegaanadaasi cod dheer ugu sheegay iney ka hortagaan wax uu ku tilmaamay gaalo dooneysa iney gumeysi geliyaan dadka iyo diinta.