Baydhabo oo looga dhawaaqay maamul u samaynta Koofurta Soomaaliya

Kulan ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta maamulka gobalka Bay, maamulka Baydhabo, Siyaasiyiin, Oday dhaqameed, oo shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga dhawaaqay maamul u samaynta qaybo kamid ah gobolada Koofureed.

Kulakan ayaa waxaa lagu dhisay guddi farsamo oo ka qeyb qaadan doona sidii loo qaban qaabin lahaa shirweyne ka dhacaya magaalada Baydhabo oo lagu doonayo in lagu casumo beelaha kale ee ku dhaqan qaar kamid ah gobalada koonfureed ee Soomaaliya.

Madoowe Nuunoow Maxamed, oo kulankaan kadib Saxaafada lahadlay ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in marka hore gobollada Baay iyo Bakool loo sameeyo maamul mideeysan, intaas kadibna hadii laysku afgarto maamulka lagu baahiyo dhamaan gobolada dhaca Koofurta Soomaaliya.

Kulankaan shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa lagu go’aamiyay in 20-ka bishaan la qabto gogasha loo dhigayo dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee koonfurta Soomaaliya ku dhaqan inay kasoo qeyb galaan wadahadalka iyo shirweynaha la sheegay in maamulkan lagu sameyn doono.

Maamul u samaynta gobolada Koofureed gaar ahaan Baay iyo Bakool ayaa beryihii danboba waxaa jirtay inuu aad ugu ololeeynayay gudoomiyihii hore ee baarlamaanka KMG Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ku fashilmay inuu jago muuqata ka helo doowlada Cusub ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here