Baydhabo iyo Beledeweyne oo la geynayo ciidamo Amisom ah.

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay  in Ciidamo Amisom ka socda la geyn doono dhowaan magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyne.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay bedeli doonaan ciidamada Itoobiyanka ah ee ku sugan magaalooyinkaas.

Warkan oo uu shaaciyey madaxa ammaanka iyo nabadgelyada midowga Afrika Ramtane Lamamra ayaa sidoo kale xaqiijiyey waqtiga ciidamadan ay tegi doonaan magaaloyinka Beledweyne iyo Baydhabo isagoo  sheegay in bisha April ay Ciidamada Itoobiya ka bixi doonan magaalooyinka Baydhabo iyo B/weyn ciidamada ka socda Amisom ay bedeli doonaan.

Ramtane Lamamra ayaa xusay in 2500 askari oo ka socda dalalka Uganda iyo Brundi la geyn doono magaalada Baydhabo, magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraana ay ciidamo Jabuutiyan iyo Brundi ah la geynayo.

Dowladda Itoobiya ayaa horay u sheegtay inay isaga bixi doonto meelaha ay ka saarto Shabaab kuna wareejineyso ciidamada Amisom si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Waxana dhowaan ciidamada Amisom la gaarsiiyey illaa iyo 17,700 askari, iyadoo lagu wado in toddobaadka dambe ay ciidamada Kenya ee ku sugan koonfurta Soomaaliya noqon doonaan kuwo maamulkoodu uu hoos yimaado Amisom.