Bay: al-shabaab oo gowracday Odayaal dhaqameedyo

al-shabaabWararka naga soo gaaraya Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Bay, ayaa sheegaya in al-shabaab ay halkaas ku gowraceen Odoyaal dhaqameedyo deegaanka katirsan, kadib markii halkaa shalay uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Doowlada iyo al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Odoyaasha la goowracay ay ahaayeen 2 Oday, kuwaasoo kooxda ay horay uga sii kaxeysatay Goof-Gaduud.

Al-shabaab ayaa falkaas foosha xun kadib, waxeey meydadka Odoyaasha oo surka ka go’an ay soo dhigeen deegaan u dhow Goof-gaduud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here