Battery Mobail oo shaqeenayo muddo 15-sanno

Mid ka mida ah shirkadaha Tiknoolajiyada adduunka, waxa ay soo saartay Batari shaqeenaya muddo 15-sanno, kaasoo awood u leh in waqti badan hayo Mobailka.

Mobailka ayaa la sheegay in wax yaabaha sida wayn cimrigiisa u hayo uu kaalinta koobaad kaga jirro Batariga.
Haddaba baahida loo qabo batarigaas muddo badan ku haynaya waxaa la aamisan yahay in ay ka jawaabtay shirkaddan oo lagu magacaabo DANSIMOSIA waxaana laga lee yahay dalka Ingiriiska.

Waxa ay shirkadan soo saartay Battari lagu magacaabo AA Batteri, shirkadda soo saartay battarigan ayaa shaaca ka qaaday in awood u lee yahay batterigan muddo 15-sanno, isla markaana wax cilad ah ama dhammaad uusan soo wajaheynin.

AA Bettari, ayaa muujinaya tallaabada horrumarka ee laga gaaray Tikonoolajiyada adduunka, sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay shirkaddan.

Sidoo kale, shirkad kale oo lagu magacaabo Marcieslak ayaa iyana raadineysa qalab kale oo taleefonka ka dhigay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here