Barnaamijka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Gothenburg Sweden (Sawiro)

Waxaa magaalada Gothenburg ee dalka Sweden lagu qabtay xaflada lagu soo bandhigaayay barnaamij dhaqamedeed ee dhaqanka iyo hidadaha Soomaaliyeed, waxaa halkaas lagu soo bandhigay buugaagta ay ku qoran yuihiin afsomali, waxaa kale oo halkaas lagu soo bandhigaayey dharka dhaqanka iyo hidaha iyo waxyaabaha farshaxanka dhaqanka iyo hidada oo ay soomaalida sameeyaan.

Xafladaas oo lagu qabtay Röhsska museet eeku yaala farasmagaalada Gothenburg, waxaana halkaas lagu balansanaa in uu barnaamijka ka bilowdo 3 galabnimo ee 17 December lana soo gabagabeeyo 5-ta galabnimo maadaama barnaamijka uu aad u xiisa badnaa oo hada aan halkaasi lagu soo koobi karin 2 saacadood xoogaa ayaa lagu daran.

Barnaamijka waxaa furay Samme Bogad iyo Shukri Sheekh Abubakar (Hanna), oo halkaas ku soo dhawaayey marti sharaftii ka soo qeeb gashay barnaamijka oo lagu qiyaasay ilaa 300 baqol oo isugu jira soomaali iyo swidhish.

Furitaankii waxaa ku xigay in ay kooxda Banadir Midnimo Förening ay ku furaan heesta somali toosoo toosoo isku diirsada iyo heestii Knan ka heesay cayaarahii aduunka ee Koofur Afrika.

Kooxda Banaadir Midnimo Förening oo ay hogaamineysay Hooyo Sacdiyo Furane Soomaali ayaa halkaas wacdaro aan la soo koobi karin ka dhigeen, waxaana ay halkaasi ku soo bandhigeen ciraaraha dhaqanka iyo hidaha, ciyaarahaas oo ka mid ahaa Dhaantada, Shiribka iyo arooska iyo arosda soo guurinta oo loo soo galbiyey aqal soomaali halkaasi lagu soo bandhigay oo dhaxdiisana loogu sharxay dharka dhaqanka hiddaha.

Waxaa halkaasi heeso diiran iyo kuwo jaceel ah ka qaaday fanaan soomaaliyeed oo lagu naaneyso Jeeri oo degen magaalada Trollheten ee Sweden.

Waxaa halkaasi buugaag iyo khudbad ku soo bandhigay Yaasiin Maaxi Mocalin oo ka yimid magaalada Katarinholm oo halkaasi wacdaro ka dhigay kuna soo bandhigay buugaag uu asaga qoray oo markii uu soo badhigay dadweynaha ay durbadiiba ka qateen qaarkana ka dalbadeen.

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaa barnaamijkaasi oo ka dhacay Götenburg aad iyo aad ay dadkii ka soo qeeb galay u xiisagalisay qaabka loo soo abaabulay iyo dharka ay soo xirteen kooxda dhaqanka iyo hidaha.

Waxaa halkaas Hambalyo looga diraayaa Kooxda Banadir Midnimo Förening oo ay ay horjeega ka yihiin Micraaj, Goobdoon, Sacdiyo Soomaali, Gabdhaha oo dhan iyo Wiilasaha oo dhan.

Waxaa halkaan hambalyo taas la mid ahloogu diraayaa Shukri Hanna, Yaasiin Maahi, Samme Bagada, Hussein Abdi Alasow iyo Heesaaga Jeeri.


Hussein Alasow
Somaliweyn Gothenburg Sweden